HomeWararQasa:Kudhawaad 100 qof oo Falastiiniyiin ah oo duqayn cirka ah lagu dilay

Qasa:Kudhawaad 100 qof oo Falastiiniyiin ah oo duqayn cirka ah lagu dilay

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Subaxnimadii hore ee saaka 10, 2024, in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo gumaystaha,Israa’iil la beegsatay iskuul ku yaalla magaalada Gaza. Iskuulka al-Tabin, oo ku yaal xaafadda al-Daraj, ayaa lagu soo waramayaa inuu hoy u ahaa dad ka barakacay guryahooda, waxaana duqeynta lagu bartilmaameedsaday iyadoo dadka ay tukanayeen salaadda subax, taas oo keentay in tirada dadka dhintay ay aad u kordho.

Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay weerarka, iyagoo sheegay in iskuulka ay isticmaalaayeen hoggaamiyeyaasha Xamaas. Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah iyo Xafiiska Warfaafinta ee Dowladda Gaza ayaa weerarka ku tilmaamay qayb ka mid ah “xasuuq iyo tirtirid qoomiyadeed” oo lagu hayo dadka Falastiiniyiinta ah. Burburka ayaa adkeeyay dadaallada kooxaha caafimaadka ee soo badbaadinaya maydadka, waxaana isbitaallada ay la daalaa-dhacayaan inay daaweeyaan kuwa dhaawacmay.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka, kaas oo ay ku dhinteen kumannaan dad ah, kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories