HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya"“Dagaalka Khawaarijta ma istaagayo ilaa laga xoreeyo guud ahaan dalka”.

Madaxweynaha Soomaaliya”“Dagaalka Khawaarijta ma istaagayo ilaa laga xoreeyo guud ahaan dalka”.

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Khudbadii Jimcaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka lagula jiro Dagaalamayaasha Al Shabaab ee ka howlgala deegaanno kooban oo weli ay ka joogaan dalka. Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in dagaalkan uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladda ilaa inta dalka oo dhan laga xoreynayo, isaga oo sheegay in Al Shabaab ay doonayaan inay xumeeyaan magaca Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka doorasho ee dalka, isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah ugu dooranayaan hoggaamiyeyaashooda. Madaxweynaha wuxuu carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya aysan mar dambe yeelan doonin hoggaan aan shacabka dooran.

“Dalkeenu waxa uu maanta joogaa meel ka wanaagsan halkii uu shalay taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna maanta maraysa in maalgeshi loo yimaado Soomaaliya”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday horumarka dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in dhaqaaluhu uu kordhay,taasoo muujinaysa mashaariicda horumarineed ee ka socota gobollada kala duwan. Waxa uu intaa ku daray in dalkeenu uu maanta ku sugan yahay meel ka wanaagsan halkii uu shalay joogay.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dalka uu wajahayo duruufaha amni iyo horumarineed ee socda, taasoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto in lagu xaliyo islamarkaana la gaaro himilooyinka ay higsaneyso.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories