HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo booqday xarunta Maaraynta Masiibooyinlka ee SODMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo booqday xarunta Maaraynta Masiibooyinlka ee SODMA.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Modoobe) oo booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah (NEOC) ee Hay’adda SoDMA, ayaa lala wadaagay xogaha la xariira howlaha gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo ee hay’adda, gaar ahaan warbixinta weerarkii AS ee 2,August 2024,ka dhacay xeebta Liido. Sheekh Aadan Modoobe ayaa […]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Modoobe) oo booqasho ku yimid Xarunta Qaran ee Gurmadka deg degga ah (NEOC) ee Hay’adda SoDMA, ayaa lala wadaagay xogaha la xariira howlaha gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo ee hay’adda, gaar ahaan warbixinta weerarkii AS ee 2,August 2024,ka dhacay xeebta Liido.
Sheekh Aadan Modoobe ayaa hoggaanka iyo howl-wadeennada hay’adda ku bogaadiyay shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in il gaar ah lagu hayo degaannada iyo degmooyinka laga saaray AS iyo goobaha ay go’doomiyeen, isagoo ballan-qaaday in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmadka dadka uu saameeyay weerarkii Liido.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga mahadceliyay kaalintiisa odaytannimo iyo dareenkiisa bani’aadannimo ee uu mar waliba la garab taagan yahay bulshada dhibaatooyinku la soo gudboonaadaan.
Inta la ogyahay ilaa hadda 39 qof ayaa ku dhintay halka in ka badan 200 oo ruux ay ku dhaawacmeen weerarka AS, iyadoo la la’yahay 4 qof, isla-markaana ay ku burburtay hanti ku dhow 700,000 oo doolar.
Sawiro Hoos Ka Fiirso.

Latest stories