HomeWararCabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag ugu jawaabay Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag ugu jawaabay Xasan Sheekh Maxamuud.

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga jawaabay khudbaddii uu Jimcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaanka ayaa raaligelin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku jees jeesay iyaga iyo xaaladda dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku guuldareystay fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka, gaar ahaan dhalinyarada.
Qoraalkan ayuu ku qoray bogiisa Facebook:-
Madaxweynaha haddii uu dood qabo ama uu ka jawabaayo mid loo qabo waa in uu yimaado goob uu siyaasigu kula doodi karo, dhalinyaradu su’aalo ku waydiin karaan ee ma aha in uu maalin walba Masaajidka kaligii ka soo garnaqsado. Siyaasadu waa dood, su’aalo, dabagal iyo jawaab celin, Masjidkuna waa goob cibaado oo wanaaga la iska faro, xumaanta la iskaga reebo, midnimada iyo wadajirka ummada laga dhiirageliyo.
Tan kale, waxay ahayd Madaxweynuhu in uu ka haldo xasuuqii xeebta Liido, masuuliyaddii la gabay iyo go’aannadii laga qaatay iyo kaalinta bulshada kaga aadan.
Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta. Waxaad xaq ugu leedihiin Madaxweynaha in uu runta idinkaga sheego si tawaaduc leh sababaha keenay shiidka iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta, waxa uu ka qabanayo, isagoo idiin bidhaaminaya hiigsi iyo yididiiladii looga baxo.
Ma ahayn in uu dafiro in aad intiina badan shaqo la’aan tihiin, waxay ahayd in uu wax ka qabto fursadaha shaqo ee tirada yar ee Dowladdu bixiso ee lagu helayo garab eexeedka iyo musuqa. Waxay ahayd in uusan isdiidsiinin hoos u dhac ku yimid ganacsigii dalka, gaar ahaan dhulka, ka dib markii ay madaxda xukuumada qiimo jaban ku xaraashayso dhulkii dawlada, in uusan inkirin in canshuurta xaddhaaf ah iyo adeega khidmo ee la isku naasnuujinayo ay irdaha u xireen ganacsigii yaryaraa, karti la’aan, musuqa iyo dhacdhac ka raadintana ay hakadeen mashaariicdii ka imaanaysay deeqbixiyayaasha caalamiga ah, lacagihii laga dhacay dawladana lagu maalgashaday dalka dibadiisa.
Rasumaalka ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye heli karo waa in shacabkiisu aamino, dalna hadal iyo muran laguma hoggaamiyo, ee ficil iyo habdhaqan ayaa tusaale loogu noqdaa.
Sida muuqata, Madaxweynaha waaqaca xiriir lama laha, isaga iyo bulshaduna way kala bariyeen, dadka ka agdhow ee ay ahayd in ay runta u sheegaana, malaha way kula dhici waayeen, ama dantooday ka muraadsadeen.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories