HomeWararHowlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafad ka tirsan Afgooye

Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Xaafad ka tirsan Afgooye

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaas. Howlgalkan ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafadda 14-ka October, waxaana inta uu socday Ciidamada ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la soo uruuriyay Guryaha […]

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaas.

Howlgalkan ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafadda 14-ka October, waxaana inta uu socday Ciidamada ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la soo uruuriyay Guryaha ku yaalla halkaas.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Degmada Afgooye, isla markaana ay kusoo qabteen dad badan, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadka la soo qabtay qaarkood ay ku jiraan kuwo looga shakiyay falal amniga darro, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Howlgalkan laga sameeyay Degmada Afgooye gaar ahaan Xaafadda 14-ka October ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed, iyagoona ragii fuliyay falkaas goobta ay ugu baxsadeen Mooto nooca laba lugaaleyd ah.

- Advertisement -

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkii loo geystay Nabadoon Ibraahim Maxamed, iyagoona sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya, isla markaana siweyn looga yaqaanay Degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories