HomeWararFaah faahin:-Ciidamo ka tirsan dowladda oo lagu la'yahay Xeebta Magaalada Marka

Faah faahin:-Ciidamo ka tirsan dowladda oo lagu la’yahay Xeebta Magaalada Marka

Date:

Related stories

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo […]

- Advertisement -

Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xeebta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xeebtaas ay ku degtay Doon ay la socdeen Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doontan ayaa waxaa saarnaa ku dhawaad 10 Askari oo uu ku jiray Taliyahooda iyo hubkii ay wateen,kuwaasi oo ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka,waxaana Doonta ay kula degtay Xeebta Marka xili ay socdaal dhanka Badda ah ay ku jireen.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in inta badan Askarta la soo badbaadiyay,halka saddex kalena weli lagu la’yahay badda,kuwaasi oo la socday doontii degtay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu socdo baadi xoogan oo loogu jiro sidii loo heli ahaa Askarta weli ku maqan Badda,waxaana Muqdisho laga diray dhowr doomood oo lagu raadinayo Askartaas.

Ciidankaan ay la dagtay doontii ay saarnaayeen ayaa la xaqiijiyay in ay ku socdeen safar dhanka Badda ah oo ay ku doonayen inay ku yimaadan Muqdisho, kadib markii ay adkaatay isu socdka wadada  xiriirisa Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab miinooyin ku aaseen wadada xeebta ee Marka iyo Muqdisho isku xirta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories