HomeWararJubbaland oo ka hadashay Dilkii loo geystay Nabadoon Saciid Adoon

Jubbaland oo ka hadashay Dilkii loo geystay Nabadoon Saciid Adoon

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Kadib markii xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  lagu dilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadashay dowlad Goboleedka Jubbaland. Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland,isagoona Marxuumka Alle uga baryay inuu Janada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kadib markii xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  lagu dilay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada deegaanka Jubbaland ayaa waxaa arrintaas ka hadashay dowlad Goboleedka Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbaland,isagoona Marxuumka Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

- Advertisement -

Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa sheegay in laamaha amniga Jubbaland ay wadaan baaritaanno kala duwan oo lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Siciid Ciise Cabdi.

Rag ku hubeysanaa Bastoolado ayaa xalay xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Siciid xili uu kasoo baxay Salaaddii cishaha, isla markaana uu kusii jeeda Hoy uu halkaas ka deganaa,hayeeshee rag hubeysan ay rasaas la dhaceen.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Nabadoonada kunool halkaas,iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowr bilood kahor laba Nabadoon oo Caan ahaa lagu toogtay halkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.