HomeWararHay’addaha Ammaanka Kenya oo soo bandhigay magacyadda iyo Sawiradda dhowr Kenyan qorsheynaya...

Hay’addaha Ammaanka Kenya oo soo bandhigay magacyadda iyo Sawiradda dhowr Kenyan qorsheynaya qaraxyo

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta Kenya, waxay Hay’addaha Ammaanka soo bandhigeen Sawirradda Shan Kenyan oo ay ku jiraan Lammaanayaal, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay haatan ku sugan yihiin Xeryaha Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku yaalla gudaha Somalia.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Hay’adaha Ammaanka heleen ilo dhinaca Sirdoonka oo muujinaya inay Shantaas qof qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi oo loo soo dusiyey Warbixinta Hay’addaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in Haweeneyda lagu magacaabo Shamiin Wanjiri Hussien oo ka mid ah dadka lala xiriirinayo Alshabaab inay suurto-gal tahay inay fuliso waxa loogu yeero Hawlgal Is-qarxin ah, inkastoo aan la shaacinin Xiliga iyo Goobta ay fulin doono Qaraxaasi.

Warbixinta Hay’addaha Ammaanka Kenya waxaa kaloo lagu muujiyey in Ninka ay u dhaxdo Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Omar Patroba Kama ka mid yahay Dagaalamayaasha Alshabaab ee bishii June weerartay Xeradda Milliteriga Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee Gobalka Laamu.

Liiska iyo Sawiradda xubnaha ay Hay’addaha Ammaanka Kenya soo bandhigeen waxaa kaloo ka mid  mid ah Anwar Yogan Mawok oo ahaan jirey Ciyaartoy u safta Kooxda K/cagta ee Mathare United ee Kenya iyo Labo Dagaalyahan oo lagu kala magacaabo Omar Pweyti iyo Ramadaan Kiyooko.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories