HomeWararEU: Askarta AMISOM oo mushaar la siinayo.

EU: Askarta AMISOM oo mushaar la siinayo.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ciiddanka AMISOM oo aan wax Mushaar ah la siinin Shantii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa haatan loo sheegay inay helayaan Mushaarkooda. Ururka Midowga Afrika ayaa ku sheegay War-saxaafadeed uu E-mail ugu diray AMISOM inay Ururka Midowga Europe (EU) bixin doonaan lacag dhan 165 million oo Euro ah, una dhiganta 187 million oo Dollar, si […]

- Advertisement -

Ciiddanka AMISOM oo aan wax Mushaar ah la siinin Shantii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa haatan loo sheegay inay helayaan Mushaarkooda.

Ururka Midowga Afrika ayaa ku sheegay War-saxaafadeed uu E-mail ugu diray AMISOM inay Ururka Midowga Europe (EU) bixin doonaan lacag dhan 165 million oo Euro ah, una dhiganta 187 million oo Dollar, si loogu maalgeliyo Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagaalamayaan Xarakadda Alshabaab.

- Advertisement -

War Saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in Kharajkaasi loo adeegsan doono in la bixiyo Mushaaraadka Milliteriga, Boliska iyo Rayidka ka tirsan Hawlgalka AMISOM iyo Kharajaadkii Toddobada bilood ee ugu dambeysay Sannadkan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Hawlgalka AMISOM waxaa hareeyey Maamul-xumo ay ku jiraan inay Ciiddanka xaadaan qalabka, kadib, markii aan la siinin wax mushaarad ah.

Bishii September ee la soo dhaafay, Warbaahinta dalka Uganda waxay soo weriyeen in Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM aan wax mushaar ah la siinin muddo 9 bilood ah, oo ay u sii dheer tahay inay Ciiddan badan kaga dhinteen Weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bilowgii bishii la soo dhaafay la beegsadeen Ciiddanka Uganda ee ku sugnaa Deegaanka Janaale ee Gobalka Sh/hoose.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dowladda Federalka Somalia ayaa waxay dadaal ugu jirtay sidii ay Mushaaraad ugu heli lahayeen Ciiddanka Dowladda ee taageeradda siiya Hawlgalka AMISOM.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey Dowladda Imaaraadka Carabta saxiixday Heshiis ay ku bixin doonto qeyb ka mid ah Mushaaraadka Ciiddanka Qaranka ee Somalia.

© Radio Dalsan

Xigasho:- mgafrica.com

Latest stories