HomeWararKenyaan Imaam Masjid ah oo lagu soo oogay inuu carruur u...

Kenyaan Imaam Masjid ah oo lagu soo oogay inuu carruur u qorayey Alshabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Maxkamadda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay Nin Muslim ah, kaasi oo lagu eedeysayo inuu Alshabaab u qorayey Carruur iyo inuu 3 sanno ka hor dooxay Arday Kirishtaan ah oo uu la dhigan jirey Jamaacadda Maseno University. Ninkaasi oo lagu magacaabo Saalim Maxamuud Wabwile oo aan lahayn wax Garyaqaan ah oo […]

- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxaa shalay la soo taagay Nin Muslim ah, kaasi oo lagu eedeysayo inuu Alshabaab u qorayey Carruur iyo inuu 3 sanno ka hor dooxay Arday Kirishtaan ah oo uu la dhigan jirey Jamaacadda Maseno University.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Saalim Maxamuud Wabwile oo aan lahayn wax Garyaqaan ah oo u dooda ayaa ka hor sheegay Maxkamadda Mombasa inuusan geli n dembiga ah inuu Carruurta dhigata Dugsiga Gandani Gotani Primary School ku tashkiiliyey inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab Somalia.

- Advertisement -

Sarkaal ka tirsnaa Ciiddanka Ammaanka ee Jaamacadda Maseno University ayaa sheegay in Eedeysanaha uu ka baxsaday Jaamacadda, kadib, markii uu toorey ku dhuftay Arday kale taariikhdu markay ahayd 22-kii Feberaayo ee sannadkii 2012-kii.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Mombasa, waxa uu ku gacan-sayray in damiin lagu sii daayo Iimaamkaasi oo dhowr sanno ka hor soo Islaamay.

© Radio Dalsan

- Advertisement -

 

Latest stories