|

Puntland oo ka hortimid go’aankii DFS ee joojinta heshiisyada Imaaraadka Carabta

Warar · Ilhaan · January 13, 2026
Puntland oo ka hortimid go’aankii DFS ee joojinta heshiisyada Imaaraadka Carabta
Puntland oo ka hortimid go’aankii DFS ee joojinta heshiisyada Imaaraadka Carabta
In Summary

Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid go’aankii Dowladda

Maamulka Puntland ayaa si cad uga horyimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in si buuxda loo baabi’iyo dhammaan heshiisyadii ay Soomaaliya kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu leeyahay mas’uuliyad buuxda oo ku aaddan ilaalinta, wax-ka-beddelka iyo laalista heshiisyada horumarineed iyo kuwa amni ee khuseeya deegaannadiisa, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo la-dagaallanka khataraha jira.

Puntland waxay carrabka ku adkaysay in qaar ka mid ah heshiisyada lala galay Imaaraadka Carabta ay door muuqda ka qaateen la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, iyo sidoo kale ciribtirka burcad-badeedda Soomaalida ee halista ku ah amniga marin-biyoodka caalamka.

Maamulka Puntland ayaa muujiyay walaac ku saabsan saameynta amni ee ka dhalan karta burinta heshiisyadaas, isagoo xusay in iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca uu muhiim u yahay xasilloonida guud ee dalka iyo gobolka.

Go’aankan Puntland kasoo baxay ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira heshiisyada caalamiga ah, awood qaybsiga, iyo fasiraadda dastuurka federaalka

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.