Jubbaland oo si cad u diiday go’aanka DFS ee la xiriira heshiisyada Imaaraadka Carabta
Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed
Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga hor yimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay heshiisyadii ay horay ula gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta, ganacsiga iyo amniga.
Bayaan ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in heshiisyada noocaas ah ay ka mid yihiin awoodaha Dastuur ahaan u degsan dowlad-goboleedyada, sidaas darteedna aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya sharci u lahayn inay si hal dhinac ah u baabi’iso ama wax uga beddesho heshiisyo ay galeen maamul goboleedyadu.
Jubbaland waxay caddeysay in heshiisyada ay la gashay Imaaraadka Carabta ay weli sii shaqeynayaan, islamarkaana ay ansax yihiin ilaa ay iyadu go’aan ka gaarto wax ka beddelkooda ama joojintooda.
Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo nidaamka federaalka, wadatashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo danaha guud ee dalka.
Go’aankan Jubbaland ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya dowlad-goboleedyada dalka.