Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay
Madaxweynaha Jubbaland
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, Mr. George Conway, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ka jirta deegaannada Jubbaland iyo saameynta ay ku yeelatay nolosha shacabka. Madaxweynaha ayaa sheegay in abaartu ay si toos ah u saameysay in ka badan 1.5 milyan oo qof, isla markaana ay ku dhinteen kumannaan xoolo ah, taas oo si weyn u wiiqday nolosha dhaqaale ee dadka ku tiirsanaa xoolaha nool.
Axmed Madoobe ayaa xusay in dadka ku barakacay abaarta ay helayaan gargaar kooban oo ay wadaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubbaland, kaas oo biyo-dhaamin iyo raashin gaarsiinaya deegaannada sida daran u saameysay abaartu, balse uu weli jiro baahi ballaaran.
Madaxweynaha ayaa uga digay in abaartu ay sii daba dheeraan karto, haddii aan la helin gurmad degdeg ah, taas oo khatar weyn ku ah nolosha shacabka, isagoo carrabka ku adkeeyay in biyaha iyo cuntadu yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hadda taagan.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo qurba-joogta inay ka qeyb qaataan gurmad degdeg ah, si looga hortago in xaaladda abaartu isu beddesho macaluul baahsan.