Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari oo joojiyay wadashaqeyntii Wasaaradda Awqaafta DFS
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen
Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay inay joojiyeen dhammaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasaaradahan ayaa lagu sheegay in go’aankan uu ka dhashay khilaaf soo jiitamayay oo la xiriira wada-tashi la’aan, is-waafajin la’aan iyo ku tumasho lagu eedeeyay mabda’a federaalka.
Wasaaraduhu waxay ku doodeen in Wasaaradda Federaalka aysan tixgelin doorka iyo madaxbannaanida dowlad-goboleedyada, sida ku xusan Dastuurka KMG ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira awqaafta, diinta, masaajidda iyo maamulidda culimada.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in wixii hawlo, munaasabado ama go’aanno diimeed ah aysan ka qeyb geli doonin haddii aanay ku imaan wada-tashi iyo oggolaansho buuxa, iyagoo caddeeyay inay sii wadi doonaan adeegyada diinta ee bulshadooda iyagoo u maraya maamulladooda.
Wasaaradahan ayaa dhanka kale muujiyay inay u furan yihiin wada-hadal mustaqbalka, balse ku saleysan ixtiraamka dastuurka, isla xisaabtan iyo cadaalad.
Ilaa iyo hadda, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku aaddan go’aankan.