|

Maamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay adeegyada gurmadka degdegga ah, iyadoo Muqdisho ay berri martigelinayso doorasho dadweyne

Warar · Ilhaan · December 24, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay adeegyada gurmadka degdegga ah, iyadoo Muqdisho ay berri martigelinayso doorasho dadweyne
Maamulka Gobolka Banaadir oo heegan geliyay adeegyada gurmadka degdegga ah, iyadoo Muqdisho ay berri martigelinayso doorasho dadweyne
In Summary

Maamulka Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in dhammaan waaxyaha gurmadka degdegga ah iyo adeegyada caafimaadka la geliyay heegan buuxa, maadaama magaalada Muqdisho ay berri martigelin doonto doorasho dadweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay diyaarisay gaadiid ku filan oo isugu jira dab-damis, ambalaasyo iyo shaqaale tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo degdeg ah oo dhici karta inta ay doorashadu socoto.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in shacabka caasimadda mar walba ay adeegsan karaan lambarka gaaban ee gurmadka degdegga ah ee 991, haddii ay la kulmaan xaalad u baahan gargaar degdeg ah.

Dr. Muungaab ayaa carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mar walba ka go’an yahay daryeelka iyo badbaadada muwaadiniinta, isaga oo ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay doorashada uga qaybqaataan si nabad ah oo mas’uuliyad leh.

Kulanka lagu shaaciyay diyaargarowgan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.