|

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DFS

Warar · Ilhaan · December 24, 2025
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DFS
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay askari ka tirsan Ciidanka DF
In Summary

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Dharkenley, ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii lagu eedeeyay fal khal-khal gelin amni ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Booliska, eedeysanaha oo lagu magacaabo D/le Xuseen Idow Cabdullaahi ayaa lagu qabtay isagoo rasaas ka dhex furay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, arrintaas oo halis gelisay amniga iyo badbaadada dadka goobta ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha haatan ku jiro gacantooda, isla markaana loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo mariyo.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale digniin loogu diray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida, iyagoo faray in ay ku ekaadaan goobahooda shaqo inta ay socoto doorashada, si loo ilaaliyo amniga guud.

Dhanka kale, Booliska Soomaaliya ayaa maalmo ka hor soo xiray 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hub sharci-darro ah ku dhex wateen magaalada Muqdisho.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.