Kulamo siyaasadeed oo dhexmaray Guudlaawe, Farmaajo iyo Sheekh Shariif
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay kulan siyaasadeed la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka, oo lagu tilmaamay is-xog-wareysi siyaasadeed, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo arrimaha la xiriira mustaqbalka hoggaaminta iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda iskaashiga iyo wada-shaqeynta madaxda siyaasadda, si xal waara loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu door weyn ka qaatay soo bixitaankii Cali Guudlaawe intii lagu jiray doorashadii Hirshabeelle ee bishii November 2020, taasoo muujinaysa xiriir siyaasadeed oo xooggan oo ka dhaxeeya labada mas’uul.
Dhankiisa, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda siyaasadeed ee magaalada Jowhar, halkaas oo uu hadda ku fadhiyo kursiga baarlamaanka.
Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay horay u dhaceen kulamo la mid ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Cabdi QoorQoor, kuwaas oo iyaguna la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka.
Kulamada siyaasadeed ee is-daba-joogga ah ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah xoojinta wadahadalka, isfahamka siyaasadeed, iyo midnimada hoggaanka dalka, kuwaas oo door ka qaadan kara xasiloonida siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo guud ahaan Soomaaliya.