Wiil bajaajle ah oo xalay lagu dilay degmada Dayniile
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa xalay si arxan darro ah loogu dilay xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile, gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ku geeriyooday rasaas ka timid laba askari oo is rasaaseynayay, iyadoo mid ka mid ah askartaas uu haleelay rasaasta, ka dibna uu ka baxsaday goobta falka uu ka geystay.
Marxuum Cabdirisaaq Abuukar Muxumed Beereey waxa uu ka mid ahaa dhalinyarada ku shaqeysta bajaajta ka howlgasha magaalada Muqdisho, isagoo noloshiisa ku maarayn jiray shaqadaas.
Sidoo kale, marxuumka ayaa ka soo jeeday degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay inuu qorsheynayay inuu maalmo gudahood u safro dalka Mareykanka, maadaama isaga iyo qoyskiisu ay haysteen dal-ku-gal (fiiso).
Inkasta oo muddooyinkii dambe ay yaraadeen dilalka ay askartu u geystaan dadka shacabka ah, haddana degmada Dayniile waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay falal amni-darro oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaara dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood loo aaneynayo rag ku labisan darees ciidan.