|

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Warar · Ilhaan · February 23, 2026
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho
In Summary

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta shir muhiim ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo in kulanka gaarka ah uu ka qabsoomo xeyndaabka Xalane.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa go’aanka iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, kadib markii wada-hadalladii siyaasadeed ee u socday iyaga iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay shalay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

Kulankan wuxuu imanayaa xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo dhinacyada mucaaradka, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu ku adkeystay mowqifkiisa la xiriira qaabka loo wajahayo doorashooyinka, arrintaasoo caqabad ku noqotay in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu si toos ah ula xiriiray qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka kadib kulankii ugu dambeeyay oo ay isku mari waayeen qodobadii la isku hayay. Waxaa la sheegay inuu ka codsaday inay sugaan illaa maanta gelinka hore, isla markaana aysan si degdeg ah war uga soo saarin fashilka wada-hadallada, si fursad loo siiyo dadaallada xal-raadinta ama go’aan kale looga gaaro jihada siyaasadeed.

Dhinacyada mucaaradka ayaa weli ka fiirsanaya sida ay uga falcelin doonaan xaaladda taagan. Waxaa jira walaac ah in haddii xal la waayo uu khilaafku sii xoogeysan karo, taasoo saameyn ku yeelan karta jadwalka doorashooyinka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Indhaha siyaasadda ayaa hadda ku jeeda shirka maanta ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaasoo la filayo inuu qeexo mowqif cad iyo jihada ay qaadi doonaan—haddii ay sii wadi doonaan wada-hadallada ama ay qaadi doonaan tallaabooyin siyaasadeed oo kale.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.