FBI oo ka digtay suurtagalnimada weerarro ay Iran ka fulin karto gudaha Mareykanka
FBI oo ka digtay suurtagalnimada weerarro ay Iran ka fulin karto gudaha Mareykanka
Hay’adda FBI ayaa uga digtay booliska gobolka California suurtagalnimada weerarro ay fulin karto Iran, iyadoo la adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), haddii xiisadda militari ay sii kororto.
Digniin la soo saaray dhammaadkii Febraayo ayay hay’addu ku sheegtay in Tehran ay ku aargudan karto weerarro ka dhan ah Mareykanka, iyadoo beegsan karta xarumo ku yaalla gudaha dalka.
War qoraal ah oo loo diray waaxyaha booliska ee California, kana soo muuqday warbaahinta Mareykanka, ayaa lagu sheegay in weerar lama filaan ah lagu fulin karo drones laga soo ridi karo markab aan la aqoonsan oo ku sugan xeebaha Mareykanka, isla markaana lagu beegsan karo bartilmaameedyo ku yaalla gobolka, sida ay werisay ABC News.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay wariyeyaasha inuusan ka walaacsanayn weerarro ay Iran taageerto oo ka dhaca gudaha Mareykanka.
Inkasta oo aan si cad loo ogeyn sida Iran u fulin karto weerarro noocan ah, haddana Ruushka ayaa bilihii la soo dhaafay lagu eedeeyay inuu isticmaalo maraakiib qarsoon oo qaada shidaalka si uu uga soo tuuro drones lagu weeraro kaabayaasha milatari iyo kuwa rayidka ee qaaradda Yurub.