Farmaajo oo cambaareeyay xarigga dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xarigga dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay tacaddiyada iyo xarigga loo geystay dhalinyarada ku shaqeysta gaadiidka bajaajta ee magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyaradan oo maanta si nabad ah u soo bandhigayay cabashadooda la xiriirta sicir-bararka iyo duruufaha nololeed ee adag, ay mudan yihiin in la garab istaago, isla markaana laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan.
Madaxweynihii hore ayaa dowladda ugu baaqay inay ka waantoowdo waxa uu ku tilmaamay cabburinta, xadgudubka iyo xarigga lagu hayo dadka muujinaya cabashadooda.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dhalinyarada loo xiray cabashadooda, isagoo xusay in xuquuqda ay ku doodayaanna ay dammaanad qaadayaan dastuurka iyo shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay inay ka niyad jabin hammigooda iyo aaminaadda ay u qabaan dalkooda.