|

Isra’iil oo Qorshe Cusub ku Doonaysa Gacanta Magaalada Qasa, Iyadoo Caalamka uu Dhaleeceeyay

Caalamka · Ilhaan · August 9, 2025
Isra’iil oo Qorshe Cusub ku Doonaysa Gacanta Magaalada Qasa, Iyadoo Caalamka uu Dhaleeceeyay

Isra’iil ayaa ku adkaysatay inay sii wado qorshaha lagu qabsanayo magaalada Qasa, kadib markii golaha wasiirrada amniga ay ansixiyeen tallaabooyin cusub oo lagu ballaarinayo dagaalka. Wasiirka difaaca, Israel Katz, ayaa sheegay in hanjabaadaha iyo cambaareynta ka imanaysa dalalka caalamka aysan wiiqi doonin go’aankooda, isagoo ku baaqay midnimo iyo awood mideysan.

Qaramada Midoobay, UK, Faransiiska, iyo Canada ayaa si kulul u dhaleeceeyay go’aankan, halka Jarmalkuna uu hakiyay dirista hubka Israa’iil. Qorshaha cusub ayaa ka kooban shan mabaadi’ ah oo ay ku jiraan: hub ka dhigista Xamaas, soo celinta la haystayaasha, ka dhigista Marinka Qasa meel dagaal ka caaggan, la wareegidda ammaanka dhulka, iyo abuurista maamul rayid cusub oo aan ku xirnayn Xamaas ama maamulka Falastiin.

Wararka gudaha Israa’iil ayaa sheegaya in qorshuhu si gaar ah diiradda u saarayo qabashada magaalada Qasa iyo rarista ku dhowaad hal milyan oo qof ee degan, iyadoo ciidamada Israa’iil sidoo kale la wareegi doonaan xerooyinka qaxootiga ee bartamaha Qasa iyo goobaha lagu aaminsan yahay in lagu hayo la haystayaasha.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.