Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

Kuuriyada Waqooyi ayaa si toos ah u shaacisay inay diyaar u tahay inay gasho dagaal militari oo ay la gasho Mareykanka, Japan, iyo Koonfur Kuuriya. Hanjabaddan culus ayaa dhalisay walaac weyn, iyadoo labada dal ee Japan iyo Koonfur Kuuriya ay si deg deg ah u bilaabeen diyaargarow ciidan iyo qorsheyaal ka dhan ah khatarta ka iman karta Pyongyang.
Xiisaddan sii kordheysa ayaa sidoo kale si dhow isha ugu heysa dowladda Ruushka, oo ka digtay in Mareykanku huriyo dagaal cusub oo ka qarxa Bariga Fog. Moscow ayaa ku baaqday in Washington ay ka fogaato tallaabo kasta oo keeni karta iskahorimaad caalami ah, iyadoo sheegtay in gobolka Bariga Fog aanu u dulqaadan karin dagaal kale oo baaxad leh.
Ruushka ayaa carrabka ku adkeeyay in xasilloonida gobolka ay tahay tiir muhiim u ah nabadda iyo amniga caalamka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in xiisad kasta oo ka kacda halkaas ay saameyn toos ah ku yeelan doonto dhaqaalaha adduunka, nabadgelyada guud, iyo xiriirka awoodaha waaweyn ee dunida.