Galmudug oo Mamnuucday Soo Dejinta Gaadiidka Ciidamada ee Dekedda Hobyo

Wasaaradda Amniga ee Maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay go’aan cusub oo lagu joojinayo soo dejinta iyo rarista gaadiidka nooca Toyota 4WD (Cabdibile) ee dekedda Hobyo, kuwaas oo si weyn ay u adeegsadaan ciidamada iyo kooxaha hubeysan.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta aan laga soo dejin karin gaadiidkan dekedda Hobyo, iyadoo amar adag la siiyay dhammaan shirkadaha, ganacsatada iyo hay’adaha ku lugta leh ganacsiga gaadiidkaas.
“Cid kasta oo jebisa amarkan waxaa loo arki doonaa mid la shaqeysa argagixisada iyo dambiilayaasha hubeysan, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga gobolka, loogana hortagayo in gaadiid noocan ah u gacan galo kooxo falal amni darro ka wada deegaanada Galmudug iyo nawaaxigeeda.
Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan shirkadaha ganacsiga, wakiillada dekedda, iyo ganacsatada madaxa banaan inay si buuxda uga qeyb qaataan hirgelinta go’aankan, kana fogaadaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dekedda Hobyo oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga gobolka iyo caalamka, ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee gaadiidka nooca "Cabdibile". Go’aankan cusub ayaa lagu tilmaamayaa mid xoojinaya awoodda maamulka Galmudug ee la-dagaalanka falalka amni darro iyo ilaalinta dekedda muhiimka ah ee Hobyo.