|

Lix Qof oo Lagu Xiray Rabshado Ka Dhacay Ireland

Wararka Idaacadda · Ilhaan · October 22, 2025
Lix Qof oo Lagu Xiray Rabshado Ka Dhacay Ireland

Lix qof ayaa la xiray kadib markii dibadbaxayaal careysan ay weerareen booliiska magaalada Dublin ee dalka Ireland. Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Hotelka Citywest, oo hoy u ah dad magangelyo doon ah.

Dibadbaxayaasha ayaa booliiska ku weeraray dhagxaan, baaruud iyo dhalooyin, halka gaari booliis ahna dab la qabadsiiyay fiidnimadii Talaadada.

Ciidamada ka hortaga rabshadaha ayaa ka hortagay in dadkaasi ay gudaha u galaan hotelka, iyadoo xaaladda ay muddo saacado ah kacsaneyd.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka rabshadaha wada ay siteen fargeetooyin iyo qalab beeraha, halka kuwo kalena ay waxyeelo u geysteen darbiyada dhismaha.

Taliyaha booliiska Ireland, Justin Kelly, ayaa cambaareeyay dhacdada, isagoo sheegay in falalkaasi lagu tilmaami karo “tuugnimo iyo falal dambiyeed oo lagu carqaladeynayo amniga bulshada.”

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.