HomeWararCarmaladda Cad ee Britishka oo la sheegay inay hawlgelisay boqolaal haween Sirdoon...

Carmaladda Cad ee Britishka oo la sheegay inay hawlgelisay boqolaal haween Sirdoon ah

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Wargeyska Mail Online ee ka soo baxa dalka Britain ayaa maanta qoray in Haweeneyda Britishka ee Samantha Lewthwaite “Carmalada Cad” kana tirsan Hoggaanka Sare ee Alshabaab ay haatan madax u tahay 200 dagaalyahanno haween oo ay raggooda geeriyoodeen, kuwaasi oo loo tababaray inay xogag ka keenaan Xarumaha DF iyo  inay geystaan falalka Is-qarxinta, waa sida lagu qoray Wargeyskaasi.

Wargeyska waxa uu tilmaamay inay Samantha Lewthwaite hawlgelisay ilaa 200 haween carmalo ah, kuwaasi oo shaqaale ahaan uga hawlgala Baararka, Hoteelladda, Jeeblayaasha iyo  Biibitooyinka.

ka akhriso Halkan Wargesyka Daily Mail

http://www.dailymail.co.uk/news/article-3087939/White-Widow-Samantha-Lewthwaite-commands-army-200-jihadi-widow-spies-pretend-street-sellers-hotel-receptionists-call-Mother-Holy-War.html#ixzz3aiYgup6K

Sarkaal ka tirsan  Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohamed Hassan ayaa u sheegay Wargeyska Mail Online in Samantha Lewthwaite xogaha ay u soo gudbiyaan Haweenka ay hawlgelisay u sii gudbiso Madaxa Sirdoonka Alshabaab, Mahad Karate iyo Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Cubaydah, waa sida uu Sarkaalkaasi yiri.

Waxa kaloo uu Sarkaalkaasi u sheegay Wargeyska  inay Carmaladda Cad tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Alshabaab, iyadoo haatan ka hawlgasha Waaxda Amniyaadka

SAVES hOTELDhinaca kale, Carmalada Cad ayaa la sheegay inay horey u tababartay Haweeneydii qaraxa ka geysatay Hoteelka Central.

Haweeneydaasi oo la oran jirey Luul Ahmed waxay bishii Feberaayo 20-dii ee sannadkan isku qarxisay Hotelka The Central, waxaana ku geeriyootay 28 qof, oo ay ku jireen Xildhibaan iyo Ku-xigeenkii Guddoiomiyaha Gobalka Banaadir ee dhinaca Siyaasadda.

Xigasho: Mail Online

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories