HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Baaq ku socda Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray Baaq ku socda Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Maxamed Ordaaye: Sidee Muwaadin reer Togdheer ah u qabsaday Caalamka isagoo aan hadlin?

Maxamed Ordaaye, oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool deegaanka Duruqsi,

Hawiye Elders Meet Opposition in Mogadishu as Term-End Crisis Deepens

Opposition politicians and traditional Hawiye elders have convened in Mogadishu for a critical meeting aimed at de-escalating political tensions and forging a consensus on the country's electoral future. The talks come as Somalia faces a potential constitutional crisis with presidential and parliamentary mandates nearing their end.

Guddiga Dastuurka oo soo saaray Amar ku aaddan in Wasiirradu banneeyaan xilalka Baarlamaanka

Guddoomiye Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa soo saaray war-saxaafadeed wasiirrada looga dalbanayo inay banneeyaan xilalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka.

Gariirka Siyaasadda Muqdisho: Maxaa looga hadlay shirkii Sheikh Sharif iyo Odayaasha Hawiye

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay hoyga Sheikh Sharif Sheikh Ahmed.

Dastuurka Cusub iyo Saameyntiisa: Wasiirradii isku hayay labada xil oo wajahaya xaalad adag

Dowladda Federaalka ayaa soo saartay amar wasiirrada loogu sheegayo inay kala doortaan xilkooda wasiirnimo iyo xubinimada baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Munaasabadda xuska 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, isagoo u hambalyeeyay shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in xuska sanad-guurada 62-aad ee maalinta xorriyada 26-ka June ay tahay fursad lagu sixi karo wixii qaldamay mudadaas, isla markaana lagu xoojin karo dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah ugu istaagaan la tacaalida duruufaha nololeed ee adeg, kana dhashay abaaraha ku habsaday dalka, taasina ay tahay dabaal-dega ugu weyn ee xuska todobaadka xorriyada.

Sidoo kalea Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay dadka Soomaaliyeed ay siweyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay Colaada iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka qeyb gelin Munaasabadda xuska 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya, maadaama uu haayo xanuunka COVID-19.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories