HomeWararFaah faahin :-Weerar lagu qaaday Guriga Duqa Boorama

Faah faahin :-Weerar lagu qaaday Guriga Duqa Boorama

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday Guriga uu degan yahay Duqa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal Saleebaan Xasan Xadi.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Ragga weerarka ku qaaday Guriga Duqa Boorama  iyo ilaaladiisa ay dhexmartay Is rasaaseyn socotay muddo daqiiqado ah, wallo markii dambe ay iskeed u istaagtay.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan, isla markaana ay markii dambe ka war heleen in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Guriga Duqa Boorama.

Intaas kadib ragii hubeysnaa ayaa goobta ka baxsaday, waxaana saakay inta lagu soo waramayaa in xaalada ay degan tahay, sidoo kalena ay howlgal baaritaano ah wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ee ku sugan Boorama.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Boorama, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha Maamulkaas oo ku aadan weerarka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories