HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Ruushka iyo Ujeedka Safarkiisa

Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Dalka Ruushka iyo Ujeedka Safarkiisa

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofayb Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyagoona kusii jeeda Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi ee ku taalla dalka Raashiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa Raashiya wehlinaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyadda Qaranka, waxaana Garoonka Aadan Cadde kusii sgootiyay Madax ka tirsan dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Raashiya uga qeyb geli doona Shirka koowaad oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Raashiya iyo Madaxda Africa.

Hoggaamiyeyaash lagu Casuumay Shirka waxaa kamid ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha dalka Masar Al-Sisi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana Shirkaan uu socon doonaa muddo laba cisha ah.

Sidoo kale Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo 23-ka Bishan Octoobar, iyada oo kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hoggaamiyeyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu Casuumay in ka badan 50 Hogaamiye Afrikaan ah.

Shirkaan waxaa si wadajir ah u Guddoominaya Madaxweynaha Raashiya Valadamir Putin iyo Madaxweynaha dalka Masar oo ah Guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan, Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanaagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories