HomeWararQaramada Midoobay oo shaacisay in Abaarta ka jirta Soomaaliya ay sii kordhayso

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Abaarta ka jirta Soomaaliya ay sii kordhayso

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digaya in gaajada daran ee ka jirta gobolka Geeska Afrika ee ay sababeen abaaraha daba dheeray, inay sii kordhayso marba marka ka dambaysa, waxaana meelaha ugu daran ka mida dalka Soomaaliya oo aan muddo afar sano ah oo xidhiidh ah aan helin roobabkii la filayey.

Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani. Waxay sheegeen in abaarahaasi ay haatanba sababeen in malaayin xoolo ahi ay dhinteen, halka illaa 7 million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan, iyo inay xoolahooda, inta u hadhay, ay u raadsadaan baad iyo biyo.

Hay’adda WFP ayaa ka digaysa in tirada dadka abaaruhu saameeyeen ee ay hayso gaajada darani, inay sii kordhayaan, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.

WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.

Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya, ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya oo saamaysay in ka badan 7 million oo qof, taasoo noqonaysa xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd ee uu arko muddo 21 sano ah oo uu ka shaqaynayey hay’adda WFP.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories