HomeMaqalDhageyso Caasho “Inta aanan GYM-ka bilaabin sidii idihii ayaan neef tuuri jiray”

Dhageyso Caasho “Inta aanan GYM-ka bilaabin sidii idihii ayaan neef tuuri jiray”

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Qowmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan ee caalamka ayaan ku kala duwaneyn oo keliya luuqadaha iyo hab dhaqanka.

Waxaa sidoo kale, kala duwa caadooyinka hab nololeedka bulshooyinka kala uwani leeyihiin.

Caadiyan kama aanay dhici jirin Soomaaliya in haweenku tagaan jimicsi iyo jir dhis, halka waddammadan Yurub gaar ahaan Sweden ey middaasi ka tahay wax la caadeeystey.

Caasho oo sannooyinkii u dambeeyey ku dhaqnayd magaalada Boden oo dhacda waqooyiga Sweden ayaa sheegtay in aanay wixii ka horreeyay imaatinkeeda dalkan aanay sameeyn jirin jimicsi.

Mashruuc ay ku mideysanaayeen maamulka degmada Boden iyo xafiiska shaqada ee degmadaasi ayaa u sameeyay tiro dad ah, dhowr saacadood todobaadkii oo ay ku tagaan goobaha lagu jimicsado.

Caasha oo ka mid aheyd dadka nasiibka u yeeshey iney mashruucaa qayb ka noqdaan ayaa mar ay warbixin naga siisay mashruuca, mar aannu khadka telefoonka kula xiriirney, iyada oo ku sugan iskuul ay wax ka barato.

Waxaa noo yimid qolooyin la shaqeeya maamulka degmada oo doonayay in ay toddobaadkii laba jeer noo sameeyaan in aannu tagno goobaha lagu jimicsado.

Caasha oo hadalkeedii sii wadata ayaa sheegtay iney muddada ey ku sugan yihiin goobta jimicsiga sameeyaan tababarro kala duwan, oo uu ka mid yahay orodka:

Waxyaabo badan ayaan sameynaa, mar waan ordaa, mar baaskiilka ayaan kaxeeynaa. Waxaannu sammeeynaa jimicsiyo kala duwan.

Inkasta oo qorshaha mashruuca jimicsigu ku ekaa muddo afar bilood ah, waxay Caasho go’aansatay inay howshaa halkeeda ka sii waddo, iyadoona shaksiyan u iibatay tigidhkii billaha ee goobta jimicsiga, sida ay sheegtay.

Wixii mashruuca ka danbeeyay waxaan shakhsi ahaan u iibsaday kaarka jiimka si aanan , maadaama aan ka dareemay wax badan, sida ay Caasho sheegtay.

Daraasad ay arbacadii toddobaadkan soo bandhigtay jaamacadda jineestikada iyo ciyaaraha – Gymnastik- och idrottshögskolan oo ku taala magaalada Stockholm ayaa lagu ogaaday in dadyowga Iswiidhiska boqolkiiba 46 ee da’da shaqo ku jira ay xaaladooda kartida caafimaad mareyso meel khatar ku ah caafimaadkooda.

Maxaad ku oran lahayd dadka ku dhageeysanaya ee aan tegin goobaha jimicsiga?

Waxaan kula talin lahaa inay fadhiga ka kacaan oo aadaan goobaha lagu jimicsado maadaama uu jimicsigu jir iyo maskax ahaanba u wanaagsan yahay.

Xigasho 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories