HomeWararAkhriso:-Hanti Dhowrka Guud oo Warqad jawaab ah ka soo saaray eedeyntii Guddiga...

Akhriso:-Hanti Dhowrka Guud oo Warqad jawaab ah ka soo saaray eedeyntii Guddiga Maaliyadda

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Kadib qoraalkii dhawaan kasoo baxay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacbaka ee eedeynta la xiriirta musuq maasuq loogu jeediyay Hay’adaha Dowladda ayaa waxa Warqad jawaab  u ah soo saaray Hanti dhowraha guud  ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Qoraalkii ka soo baxay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Gobolka Banaadir sigaar ah loogu eedeeyay wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.

Qoraal ka soo baxay Hanti dhowraha guud  ee Qaranka loona gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in walaac ay ka qabaanWarqada horay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacbaka uga soo baxday,isl markaana kahor hay’adaha Dowladda ay heshay Warbaahinta.

Waxaa sidoo kale Hantu Dhowrku uu sheegay in qoraalkii horay uga soo baxay Guddiga ay yihiin kuwo kazoo hormaray waqtigooda,isla markaana talo iyo xog-wareysi aan lagala yeelan xafiisyadii u igmanaa arrintaan.

Waxaa kaloo Hanti-dhowrku talo ahaan u soo jeediyay Saddex doqodb oo kala ah.

1: in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran.

2- in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda  ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo

3- in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka.

Hoos Ka Akhriso Warqada ka soo baxday Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories