HomeWararDifaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo tababar lagu baranayo...

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo tababar lagu baranayo Xuquuqda Aadanaha ka furay Muqdisho.

Date:

Related stories

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Agaasimaha Fulinta ee  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika (The Executive Director of the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire Shiikh waxa uu maanta Tababar lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Ka-hortaga Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ka furay Hotelka Saxafi ee magaalladda Muqdisho.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galayo  in ka badan 50-qof oo ka kala yimid Goballadda dalka iyo Dibediisa.

Seminaarkaasi  waxaa wax ka dhigi doona Khubaro ku Xeel-dheer Xuquuqda Aadanaha oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Qoddobadda Tababarkaasi lagu baran doonaa waxay ka mid ah Fahamka Xuquuqda Aadanaha. Muhiimadda Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Qaabka looga hortegi karo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Dr. Xasan Shire Shiikh oo Khabiir ku ah Difaaca Xuquuqda Aadanaha waxa uu Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, gaar ahaan Dalalka Bariga iyo Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in Bulshadda la baro Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo in laga taxadiro Falalka ka dhanka ah Sharafta iyo Xuquuqda Dadka kale iyo guud ahaan Bani’aadamka.

Agaasimaha Fulinta ee  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika (The Executive Director of the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP),  Dr. Xasan Shire Shiikh waxa kale oo uu ka hadlay Waxqabadka  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika oo la asaaay muddo haatan laga joogo 10-sannadood.

Waxa uu tilmaamay inay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ka hawlgalaan guud ahaan Waddamadda Qaaradda Afrika, isla markaana ay Dowladaha kala taliyaan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Hagaajinta Nolosha Dadka Birri-ma-geydada ah.

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Md. C/llaahi Colaad Rooble ayaa ka hadlay Furitaanka Munaasabadda lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna tilmaamay inay Xukuumadda taageersan tahay in laga hortago Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Wasiir-xigeenka waxa kale oo uu ka hadlay Muhiimadda ay leedahay in dadka lagu wacyi-geliyo Fahamka Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo qaababka looga hortegi karo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aasaasiga ee Aadanaha.

XA 8 XA 7

xa11111111 XA 5 XA 31 XA 3 XA 29 XA 28 XA 26 XA 25 XA 23 XA 22 XA 21 XA 2 XA 19 XA 18 XA 15 XA 12 XA 11 XA 001 XA 10 XA 001 XA 0003 XA 0003 XA 0002 XA 0000

© Radio Dalsan                              

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories