HomeWareysiyadaDhageyso:-Dad u dhintey Qashinka Shirkadaha Nadaafada ku daadiyaan deegaanka Gubadley

Dhageyso:-Dad u dhintey Qashinka Shirkadaha Nadaafada ku daadiyaan deegaanka Gubadley

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Dadka deegaanka gubadley ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabanayaan  cuduro ka dhashay qashin farabadan oo shirkadaha Nadaafada ay ka qaadaan Muqdisho,isla markaana ay geeyaan deegaankaas. Bulshada ku nool deegaanka gubadley ayaawaxa ay sheegeen in caqabad ugu weyn ee deegaanka ka taagan ay tahay cuduro ka dhashay qashinkaas,isla markaana ay dad u geeriyoodeen cuduradaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dadka deegaanka gubadley ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay ka cabanayaan  cuduro ka dhashay qashin farabadan oo shirkadaha Nadaafada ay ka qaadaan Muqdisho,isla markaana ay geeyaan deegaankaas.

Bulshada ku nool deegaanka gubadley ayaawaxa ay sheegeen in caqabad ugu weyn ee deegaanka ka taagan ay tahay cuduro ka dhashay qashinkaas,isla markaana ay dad u geeriyoodeen cuduradaas kuwo kalena ay la jiifaan.

- Advertisement -

Sheekh Xuseen Jeelle oo ka mid ah dadka  deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Cuduradaas ay u geeriyoodaeen Sideed Ruux 15 kalena ay la jiifaan,cuduradaas oo sabab u noqday nadaafad darro ka dhalatay qashinka deegaankaas ay geeyaan Gawaarida qashinka ka qaada Magalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in Maalin walba cabasho ay u gudbiyaan dowaldda Hoose ee Xamar,isla markaana warkooda aan laga soo jawaabin cabashadooda.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Gubadley Nuur Cadow Jimcaale oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa sheegay in arrntaan ay gaarsiiyeen dowladda Hoose ee Muqdisho,Xukuumadda iyo Wasaaradda Caafimaadka.

- Advertisement -

Saddex bil ka hor ayay bilaabatay in qashinka shirkadaha Nafaafada geeyaan deegaanka Gubadley,ka dib markii la diiday in la geeyo deegaanka Jaziira oo markii hore la geyn jiray.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Qof ka mid ah dadka deegaanka Gubadley iyo guddoomiyaha deegaankaas.

Sheekh Xuseen Jeelle ooka mid ah dadka deegaanka Gubadley

Guddoomiyaha deegaankaas Nuur Cadow Jimcaale  

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts