HomeWareysiyadaMuwaadin Soomaali oo Taliye ka ahaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka...

Muwaadin Soomaali oo Taliye ka ahaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla  K/galbeed ee dalka Syria. Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sida lagu daabacay Shabakadda Wararka ee Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadnaha ee dalka Syria ee fadhigooda dhex ku yaalla magaalladda London waxaa weli sii soconaya dilalka Khaarijinta ee Maleeshiyadda Kooxda Daacish loogu geysanayo dhulka Buuraleyda ee Gobalka Idlib oo ku yaalla  K/galbeed ee dalka Syria.

Shabakadda Wararka ee syriahr.com waxay qortay in la dilay Muwaadin u dhashay Somalia, kaasi oo Taliye ka ahaa Kooxda Maleeshiyadda Daacish ee ku sugan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalka Syria.

- Advertisement -

Taliyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay Abu  Hurayrah Al-somali ayaa la sheegay in Jimcihii la soo dhaafay oo ku beegnayd bishan July 13-dii la dilay, kadib, markii ay Kooxo hubeysan jidka u galeen xilli uu ku safrayey waddo u dhexeeysa Idlib City iyo Degmadda Saraqeb.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha faahfaahin dheer ah kama bixinin sababihii Abu Hureyrah Al-somali loo dilay iyo kooxdi ika dambeysay, waxayna Kooxda diiwaan-gelisay in 15 ka tirsan Daavish lagu dilay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Gobalka Idlib tan iyo Jimcihii la soo dhaafay (13-kii July ee sannadkan 2018)-ka.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha Muwaadinkii ugu horreeyey oo Somali ah oo ka tirsan Maleeshiyadda Daacish oo lagu dilay gudaha dalka Syria, waxaana horey loogu dilay Tobanaan Soomaali oo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, kaasi oo la oran jirey Xuseen Faysal, balse Kooxda Daacish dhexdeeda looga yaqaanay Abu Shucayb Al-somali, kaasi oo duqeyn lagu dilay bishii December ee sannadkii hore.

- Advertisement -

Waxaa kaloo jiray Nin Somali oo ka tirsanaa Kooxda Daacish oo lagu dilay dalka Syria, kaasi oo la oran jirey Faarax Maxamed Shirdoon, waxaana adeer u ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG Somalia,  Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid).

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts