Qaramada Midoobay: In ka badan 4.6 Milyan oo Soomaali ah oo wajahaya Abaaro Baahsan
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in malaayiin qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya ay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay abaaro baahsan oo dalka ka jira. Sida ay tilmaameen mas’uuliyiin maxalli ah, in ka badan 4.6 milyan oo qof, oo u dhiganta ku dhowaad rubuc ka mid ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah u saameeyay abaarahan.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa lagu sheegay in hay’adaha wada-shaqaynta la leh ay diiwaangeliyeen ugu yaraan 120,000 oo qof oo ku barakacay abaaraha intii u dhexeysay bilihii Sebtembar ilaa Diseembar. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qiimaha biyaha iyo cuntadu sare u kacay, xooluhuna ay dhimanayaan, taasoo sii adkaysay nolol-maalmeedka dadka ay dhibaatadu saameysay.
Sidoo kale, xaaladda abaaraha ayaa sababtay in ka badan 75,000 oo arday oo ku kala nool gobollada dalka inay ka baxaan waxbarashada, maadaama qoysaskooda ay waayeen awooddii ay ku sii wadan lahaayeen waxbarashadooda.
Dhanka kale, iyadoo la gaarayo dhammaadka sannadka 2025, Qorshaha Gargaar Bani’aadamnimo ee Soomaaliya oo u baahnaa $1.4 bilyan ayaa la helay kaliya ku dhowaad $370 milyan, taas oo u dhiganta rubuc ka mid ah dhaqaalaha loo baahnaa, arrintaas oo caqabad weyn ku noqotay gaarsiinta gargaarka dadka ay abaaruhu saameeyeen.