Xildhibaannada Muxaafadka ah oo Maanta ka Dooday Wax-ka-beddelka Dastuurka
Xildhibaannada Muxaafadka ah oo Maanta ka Dooday Wax-ka-beddelka Dastuurka
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, kaas oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 12-aad.
Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.
Intii uu socday kulanka, xildhibaannada labada Aqal ayaa sii ambaqaaday doodda la xiriirta Cutubka Afaraad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyagoo si gaar ah uga dooday wax-ka-beddel kooban oo lagu sameeyay Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad. Dood dheer kadib, xildhibaannadu waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen ka doodista Cutubka Afaraad ee Dastuurka.
Dhanka kale, xildhibaannada labada Aqal ayaa maanta bilaabay ka doodista Cutubka Shanaad ee Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, iyadoo doodda qodobada cutubkan ay si rasmi ah u furantay.
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in doodda Cutubka Shanaad ay sii socon doonto, isla markaana lagu wadi doono kulanka xiga ee Baarlamaanka.