|

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda

Warar · Ilhaan · March 1, 2026
MW Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda
MW Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda
In Summary

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur la yeeshay madaxda ururrada siyaasadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ururrada siyaasadda dalka, isaga oo kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay. Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta, wuxuuna ku booriyay inay xoojiyaan wada shaqaynta isla markaana si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, madaxda ururrada siyaasadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac; Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS, Mudane Cali Xoosh; Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macalin; iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Mudane C/xakiim Maxamed Yuusuf.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.