Cabsi ka Taagan Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannaduna Laba Garab Ayey u Kala Jabeen
Cabsi ka Taagan Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannaduna Laba Garab Ayey u Kala Jabeen
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay sii wadaan doodda la xiriirta wax-ka-beddel lagu sameeyay cutub cusub oo ka mid ah Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah, arrintaas oo dhalisay muran xooggan iyo khilaaf siyaasadeed oo baahsan.
Waxaa jirta cabsi ballaaran oo laga qabo in kulanka maanta uu isu beddelo fowdo iyo gacan-ka-hadal, maadaama xildhibaannada mucaaradka ay si adag uga soo horjeedaan wax-ka-beddelka Dastuurka, iyagoo dalbanaya in la joojiyo fadhiyada Baarlamaanka ilaa xal sharci ah laga gaaro khilaafka taagan.
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaano dhowr ah laga xanibay ka-qaybgalka kulamadii ugu dambeeyay, kaddib markii lagu eedeeyay inay ku kaceen falal khalalaase iyo fowdo ah. Sida ay guddoonku sheegeen, tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo nidaamka iyo habsami u socodka shaqada Baarlamaanka.
Liiska xildhibaanada la xanibay ayaa la dhigay baraha kantaroolka ee Madaxtooyada, halka warbaahinno qaarkoodna laga mamnuucay ka-qaybgalka kulamada, sababo la xiriira baahinta tooska ah ee wixii ka dhacayay Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.
Dhanka kale, xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo xalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si cad u qaadacay go’aanka guddoonka Baarlamaanka, iyagoo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxay sheegeen inaysan u hoggaansami doonin xanibaadda, isla markaana ay maanta tegi doonaan xarunta Golaha Shacabka.
Kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa sidoo kale lagu arkay ciidamo boolis ah oo la geeyay gudaha iyo hareeraha xarunta, kuwaas oo la sheegay inay ka hor istaageen xildhibaano mucaarad ah inay gaaraan masraxa hadalka, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan laba garab u kala jabay, xilli ay soo dhowdahay dhammaadka muddo-xileedka dowladda. Xildhibaannada mucaaradka oo isku magacaabay “Xildhibaannada Xorta ah” ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay si gaar ah u dooran doonaan guddoomiye, ku-xigeenno iyo howl-wadeennadooda, iyagoo gebi ahaanba qaadacay ka-qaybgalka kulamada rasmiga ah ee Baarlamaanka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah laga ganaaxay.
Guud ahaan, jahwareer culus ayaa ka taagan dhammaystirka Dastuurka dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in la meel mariyo wax-ka-beddelka Dastuurka, halka mucaaradkuna ay ku doodayaan inaysan aqbali doonin hannaanka socda, iyagoo ka digaya cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalan kara haddii aan la helin is-afgarad qaran.