|

Koonfur Galbeed oo amar cusub ku xakameysay duullimaadyada

Warar · Ilhaan · March 24, 2026
Koonfur Galbeed oo amar cusub ku xakameysay duullimaadyada
Koonfur Galbeed oo amar cusub ku xakameysay duullimaadyada
In Summary

Koonfur Galbeed oo amar cusub ku xakameysay duullimaadyada

Wasaaradda Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amar rasmi ah oo dhigaya in aan wax diyaarado ah lagu soo dejin karin garoomada ku yaalla deegaanada maamulka, haddii aysan haysan oggolaansho gaar ah.

Amarkan ayaa faraya in dhammaan duullimaadyada ku wajahan Koonfur Galbeed ay marka hore fasax ka helaan Wasaaradda Gaadiidka, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha.

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta garoomada diyaaradaha, si aysan u noqon meel khatar gelin karta shacabka.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay in tallaabooyin sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkan, gaar ahaan diyaaradaha soo dega iyagoo aan oggolaansho haysan.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa ugu baaqday shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulimaadyada inay si toos ah ula xiriiraan maamulka Koonfur Galbeed, si ay u helaan oggolaanshaha lagama maarmaanka ah ka hor duullimaad kasta.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo amniga guud iyo hubinta in duullimaadyadu u dhacaan si waafaqsan shuruucda jira.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.