|

Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Warar · Ilhaan · March 23, 2026
Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray guddiga doorashada Koonfur Galbeed
Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray guddiga doorashada Koonfur Galbeed
In Summary

Xildhibaano ka tirsan BFS oo taageeray guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u taageeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed, kadib magacaabistii uu sameeyay ee guddiga doorashooyinka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada taageerada muujiyay waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo bogaadiyay dhismaha guddiga, kuna tilmaamay tallaabo sharciyeysan oo muhiim u ah xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed.

Sidoo kale, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal ayaa hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddiga, halka Xildhibaan Maxamed Aadan Maxamed oo laga soo doorto Koonfur Galbeed uu isna ammaanay doorka guddiga, isagoo xusay muhiimadda ay u leeyihiin qabashada doorasho hufan oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay guddiga cusub, taasoo muujineysa taageero siyaasadeed oo ballaaran.

Wararka ayaa tilmaamaya in inta badan xildhibaanada taageeray Laftagareen ay ka soo jeedaan dhinacyo ku dhow Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo dhaliil u jeediyay qaabka ay dowladda federaalka u wado arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa hore u magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban 9 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Shuceyb Nuur Xuseen, iyadoo guddigaasi loo xil saaray qabashada doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo tan madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay saameyn ku yeelan karto qorshaha dowladda federaalka ee doorashooyinka, isla markaana sii hurin karto xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac, xilli ay jiraan abaabulo siyaasadeed iyo kuwo mucaarad oo ka socda gudaha maamulka Koonfur Galbeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.