Koofur Galbeed oo xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Koofur Galbeed oo xiriirka u jartay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu akhriyay afhayeenka cusub ee maamulka, Ugaas Xasan.
War-saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xukuumaddiisa inay ka shaqeynayaan kala qeybsanaanta dalka, isla markaana ay tixgelin la’aan ku hayaan nidaamka federaalka. Sidoo kale, maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku lug leedahay abaabulidda falal amni-darro oo laga fuliyay qaar ka mid ah deegaanada maamulkaas.
Maamulka ayaa caddeeyay in aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelan doonin Dowladda Federaalka ilaa laga helo dowlad si dhab ah ugu dhaqanta nidaamka federaalka, taasoo muujineysa xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa oo u dhexeysa labada dhinac.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay sii hurin karto khilaafka u dhexeeya labada dhinac, iyadoo ay sidoo kale jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka socda deegaanada Koofur Galbeed.
Ilaa hadda lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xaaladdu weli u muuqato mid cakiran oo u baahan xal siyaasadeed.