|

Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Mahad Karatey.

Warar · Ilhaan · March 17, 2026
Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Mahad Karatey.
Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Mahad Karatey.
In Summary

Wasiir Fiqi oo weerar afka ah ku qaaday Mahad Karatey.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Al-Shabaab, Mahad Karatey, isaga oo ku tilmaamay khudbaddiisii mid muujinaysa tabar-darro iyo caalacal.

Wasiirka ayaa sheegay in Mahad Karatey uusan horay uga soo muuqan meel furan, taasoo uu ku tilmaamay arrin muujinaysa cadaadis iyo cabsi heysata hoggaanka kooxda.

“Khudbaddii Mahad Karatey waxay ahayd mid caalacal ah. Mahad Karatey oo meel furan jooga waligeed lama arag. Maxaa ku kallifaya inuu dilo dhalinyarada masaakiinta ah?” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu wiiqo awoodda kooxda, isla markaana lagu yareeyo weerarrada ay ku hayaan shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Sidoo kale, weerarka afka ah ee wasiirka ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dagaalka warbaahineed ee u dhexeeya dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo labada dhinac ay si joogto ah u adeegsadaan hadallo kulul iyo fariimo is khilaafsan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.