|

Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tegaya Muqdisho, kadib fashilkii shirka

Warar · Ilhaan · February 28, 2026
Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tegaya Muqdisho, kadib fashilkii shirka
Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tegaya Muqdisho, kadib fashilkii shirka
In Summary

Deni, Sheekh Shariif iyo mucaaradka oo isaga tegaya Muqdisho, kadib fashilkii shirka

Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo xildhibaanno ka tirsan mucaaradka oo toddobaadyadii la soo dhaafay shirar ku lahaa magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay inay u kala safraan magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Nairobi, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow golaha.

Xildhibaannada ugu badan ee baxaya ayaa laga soo doortay maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo la sheegay inay doonayaan inay muujiyaan in aysan qayb ka ahayn ansixinta dastuurka cusub ee lagu wado in Arbacada ay meel mariyaan mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta u safro magaalada Garoowe, xilli ay cirka isku shareereyso xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta wax ka beddelka dastuurka.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah hoggaanka mucaaradka, ayaa isna lagu soo warramayaa inuu ka ambabaxayo Muqdisho.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo weli ay taagan tahay kala aragti duwanaan xooggan oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo si cad uga soo horjeestay habraaca iyo waqtiga loo marayo ansixinta dastuurka cusub.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.