DP World oo ka hortimid go’aankii DFS, kuna adkaysatay in Dekedda Berbera shaqadeedu socoto
DP World oo ka hortimid go’aankii DFS, kuna adkaysatay in Dekedda Berbera shaqadeedu socoto
Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa si cad uga hortimid go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu baabi’iyay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, iyadoo sheegtay in hawlaha Dekedda Berbera ay si caadi ah u socdaan, isla markaana uusan wax saameyn ah ku yeelan khilaafka siyaasadeed ee jira.
Qoraal ay DP World la wadaagtay wakaaladda wararka ee Reuters ayay ku xaqiijisay in shaqada dekedda, adeegyadeeda ganacsi iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ay sii wadaan sidii hore, iyada oo aan wax carqalad ah jirin, ayna ku shaqeynayaan heshiisyadii hore u jiray.
Go’aankan DP World ayaa imaanaya kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay burisay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen heshiisyada dekedaha, iskaashiga amniga iyo difaaca, iyadoo ku eedeysay Imaaraadka ku xadgudub madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
DP World ayaa sheegtay in arrimaha la xiriira go’aannada siyaasadeed, wada-hadallada dowladaha iyo mowqifyada diblomaasiyadeed ay tahay in loo daayo hay’adaha ay khuseyso, halka shirkadduna ay diiradda saarayso hawlaheeda ganacsi iyo maamulidda dekedda.
Warbixinta Reuters ayaa xustay in xiisaddan ay kusoo beegantay xilli ay kacsanaan ka jirto Yemen, halkaas oo ay isku hayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay billowday baaritaan ku saabsan eedeymo la xiriira in Imaaraadku hoggaamiye gooni-u-goosad ah uga saaray Yemen, isla markaana uu soo maray Soomaaliya.
DP World ayaa sidoo kale sheegtay in ay mudnaan siinayso badbaadada, hufnaanta iyo shaqo wanaagga Dekedda Berbera, ayna ka shaqeyneyso horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Shirkadda DP World ayaa hore u sheegtay in ay maalgelin dhan 442 milyan oo doollar ku sameysay horumarinta iyo maamulidda Dekedda Berbera, taas oo ka mid ah xiriirrada dhaqaale iyo amni ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.
Dhanka kale, maamulada Jubbaland, Puntland iyo Somaliland ayaa si wadajir ah uga hor yimid go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay heshiisyadii Imaaraadka Carabta, iyaga oo ku adkeystay in heshiisyadaasi ay sii shaqeynayaan.