Howlgal ka dhacay Hiiraan oo Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Al-shabaab
Howlgalkan ayaa yimid kaddib
Ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyaadka Al-shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanno hoostaga Degmada Maxaas ee gobolkaas.
Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada ay heleen xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ay Khawaarijtu ka wadeen deegaannada la beegsaday. Intii uu socday howlgalka, waxaa Al-shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, waxaana sidoo kale laga hortagay qorshayaal ay maleeshiyaadku ku dhibaateynayeen shacabka ku nool halkaas.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan, iyagoo xusay in muhiimadda koowaad ay siinayaan xaqiijinta amniga guud ee deegaannada la xoreeyay.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garabsanaya xaq-u-dirirka shacabka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka Hiiraan.