MW Xasan Sheekh oo Codkiisa Dhiibtay iyo Fariintiisa Uu Udiray Mucaaradka
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, taas oo ah doorashadii ugu horreysay ee dadweynuhu si toos ah u codeeyaan tan iyo 1969.
Madaxweynaha ayaa ka codeeyey degmada Warta Nabadda ee Muqdisho, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay doorashadani u leedahay dib-u-dhiska dowladnimada, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka qeyb-galka shacabka ee talada dalka.
Kadib codbixinta, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin u diray mucaaradka, isagoo ku boorriyay wada-shaqeyn, is-afgarad qaran, iyo siyaasadda mideysan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan walaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka maqan geeddi-socodka siyaasadeed.
Doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galaya 20 urur siyaasadeed, iyadoo lagu dooranayo 390 kursi, halka kumannaan ka mid ah shacabka Muqdisho ay u dareereen goobaha codbixinta ee 16 degmo oo gobolka ku yaal.
Dhacdadan taariikhiga ah ayaa sidoo kale soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamiga ah, iyadoo la soo bandhigay habsami u socodka doorashada, ammaanka la sugay, iyo ka qeyb-galka ballaaran ee shacabka, taas oo muujinaysa horumar siyaasadeed oo Soomaaliya ka sameyneyso hannaanka dimuqraadiyadeed.
Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo dib loogu soo celinayo xuquuqda codbixinta shacabka, inkastoo ay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka horyimid.