|

SAWIRRO: Codeynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo weli socota

Warar · Ilhaan · December 25, 2025
SAWIRRO: Codeynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo weli socota
SAWIRRO: Codeynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo weli socota
In Summary

Codeynta doorashada Golaha Deegaanka

Codeynta doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ayaa saaka 6:00 subaxnimo ka bilaabatay goobaha codbixinta ee degmooyinka gobolka.

Ilaa 20 urur siyaasadeed ayaa ka qeyb galaya tartanka doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir, halka shacabka Muqdisho ay u dareereen goobaha codbixinta si ay u gutaan waajibaadkooda dimuqraadiyeed.

Sidoo kale, xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadka codkooda dhiibanaya, kuwaas oo muuqaaladooda laga arkay baraha bulshada, iyagoo ku baaqay in muwaadiniintu si nabadgalyo ah u codeeyaan.

Doorashadan ayaa ah mid taariikhi ah, iyadoo ay tahay doorashadii ugu horeysay ee tooska ah ee Golaha Deegaanka Muqdisho laga qabto muddo ka badan 50 sano.

SAWIRRO: Codeynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo weli socota

SAWIRRO: Codeynta Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo weli socota

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.