Madaxweyne Axmed Madoobe oo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Deni Kismaayo, ka-qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya
Dowladda Gobolleedka Jubaland, Mudane
Madaxweynaha Dowladda Gobolleedka Jubaland, Mudane Ahmed Mohamed Islaam Ahmed madoobe , ayaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo si rasmi ah kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo u yimid magaalada ka-qeybgalka Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo qorshayaasha looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay si loo hubiyo in shirka uu u socdo si nabad ah oo habsami leh.