|

Puntland Oo Ka Hadashay Duqeyn Ay Mareykanku Ka Fuliyeen Buuraha Calmiskaad

Warar · Ilhaan · November 26, 2025
Puntland Oo Ka Hadashay Duqeyn Ay Mareykanku Ka Fuliyeen Buuraha Calmiskaad
Puntland Oo Ka Hadashay Duqeyn Ay Mareykanku Ka Fuliyeen Buuraha Calmiskaad
In Summary

Puntland ayaa xaqiijisay howlgal culus

Puntland ayaa xaqiijisay howlgal culus oo cir iyo dhul isku jiray oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Togga Baalade ee buuraleyda Calmiskaad, goob ay muddo dheer ku dhuumaaleysanayeen xubno sare oo Daacish ah.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta X ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in:

“Saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanka ay beegsadeen bartilmaameedyo sar-sare oo Daacish ah.”

Maamulka ayaa intaas ku daray in faahfaahin dheeri ah laga soo gudbin doono marka ay diyaar noqoto.

Howlgalkan maanta dhacay wuxuu noqday kii labaad ee dhulka ah ee Mareykanku sanadkan ka sameeyaan aagga Calmiskaad.
Howlgalkii hore ee bishii July ayaa lagu qabtay Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Cabdiweli Walalac), oo ahaa madaxii maaliyadda Daacish iyo wakiilka kooxda u qaabilsan ajaaniibta.

Dowladda Mareykanka weli si rasmi ah ugama aysan hadlin hawlgalkan cusub, inkasta oo gobolka Bari uu muddooyinkii dambe noqday xarun ay ku firidhsan yihiin unugyada ugu adadag ee Daacish ee Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.